السَّلاَمُ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَةُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ dear brothers and sisters,
As we are in the sacred month of Ramadan, our hearts empathize with the challenges faced by our fellow Somalis. Somalia, grappling with drought and compounded by ongoing conflicts and the pandemic, is experiencing profound economic and social hardships.
Especially in Awdal and neighboring regions, orphans find themselves in dire circumstances. AW-NUR Foundation, partnering with the Anfac Foundation for the fourth consecutive year, is launching a campaign to support these vulnerable children.
As Muslims, we are called to serve those in need, and the rewards for such actions are immeasurable. Following the teachings of Prophet Mohammed (SAW), “Whoever helps break the fast of a fasting person will have the same reward as him without decreasing anything from the reward of the fasting person.” Your contribution, starting at just $60 USD, can assist a family in breaking their fast during this holy month, making a significant impact.
With your generous support, our goal extends beyond providing food packages for the last ten nights of Ramadan. This support brings joy to the faces of orphaned children through special Eid gifts, encompassing clothes, shoes, and meaningful presents for both Eid Al Fitr and Eid Al Adha. In the previous year, we had the privilege of assisting 230 orphaned children with clothing for Eid celebrations. This year, our aim is to exceed that achievement by providing support to 500 orphans for both Eid Al Fitr and Eid Al Adha.
Guided by the Quranic verse, “They ask you what they should spend. Say, ‘Whatever you spend of good is for parents and relatives and orphans and the needy and the traveler.’” By contributing to this noble cause, not only can you augment your حَسَنَة and attain the forgiveness and blessings of Allah (SWT), but you can also make a tangible difference in the lives of those in need.
We earnestly appeal to your generosity and compassion to stand with our Somali brothers and sisters during this challenging time. Your contribution can provide solace and hope, and we pray that Allah rewards, blesses, and protects you all.
If you're in Somalia and want to contribute by donating and prefer to send money directly back home using ZAAD Telesom or E dahab, you can use the following numbers for your convenience.
E DAHAB Somtel
0654545881
ZAAD Telesom
0634545881
Let's make this Ramadan and Eid brighter for those in need.
جَزَاكَ ٱللَّٰهُ خَيْرًا
السلام ورحمة الله وبركاته
Hamda
_______________________________________________
السَّلاَمُ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَةُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ walaalayaal.
Iyadoo ay fooda inagu soo hayso bisha barakeysan ee Ramadaan, ayaa waxa qalbiyadeenu ka damqanayaan caqabadaha haysta walaalaheena Soomaaliyeed. Soomaaliya oo la daalaa dhacaysa abaaro oo ay u sii dheer yihiin colaadaha socda, ayaa waxaa ka jira dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo bulsho oo aad u qoto dheer.
Gaar ahaan Awdal iyo gobollada deriska la ah, agoomaha ayaa waxa la soo gudboonaaday duruufo adag. Kooxda Dhalinyaradda ah ee Awdal Executive oo kaashanaysa Ururka Anfac Foundation sannadkii afraad, ayaa waxa ay bilaabeen olole lagu taageerayo carruurtan aadka u jilicda san.
Haddaynu Muslim nahay, waxaa naloogu baaqay inaan u adeegno kuwa baahan, abaal-marinnada laga helayo ficilladaasna waa mid aan la qiyaasi karin. Anigoo raacaya tafsiirkii Nebi Maxamed (NNKH) “Qofkii afuriya qof sooman wuxuu yeelanayaa ajar la mid ah ka uu helayo qofka sooman”.
Waxaan idinka codsnaynaa inaad bixisaan $60 doolar.Qaadhaanka $60 USD kuma caawinayo qoyska inay afuraan bishan barakaysan kaliya, Balse sidoo kale waxay ka qayb qaadanaysaa farxada carruurta agoonta ah. Dhaqaalaha yar ee aad bixinayso waxay dhaafsiisan tahay inaad bixiso Raashinka/cuntada afurka bisha Ramadaan, se waxa intaa dheeri ka ah hadiyadaha ciidda ee gaarka ah, oo ay ku jiraan dhar, kabo, iyo hadiyado macna leh oo loogu talagalay Ciidul Fitriga iyo Ciidda Carafo.
Iyadoo aynu raacayno aayadda Qur'aanka ah ee suuradda Al-Baqarah, waxay ku waydiinayaan [Muxammad] waxay bixinayaan. Waxaad dhahdaa waxaad bixisaan oo khayr ah waxaa iska leh labada waalid, qaraabada, agoonta, masaakiinta iyo socotada, waxaad falaysaan oo khayr ah Eebe waa ogyahay. Marka aad wax ku darsato hawshan sharafta leh, kaliya maaha in aad kordhiso camalkaaga oo aad ku kasbato dambi dhaafka iyo nimcooyinka Alle (SWT) ee waxa kale oo aad wax la taaban karo ku samayn kartaa nolosha dadka baahan.
Waxaan si dhab ah uga codsanaynaa deeqsinimadaada iyo naxariistaada inaad garab istaagto walaalaheena Soomaaliyeed waqtigan adag. Wax qabadkiina wuxuu keeni karaa nasteexo iyo rajo, waxaanan Allaah ka baryeynaa in uu ajar iyo xasanaad idinka siiyo, dhammaantiinna idin xifdiyo.
Haddi aad joogto Soomaliya rabtana inaan ka qayb qaadato tabarucaadka waxaad ku diri kartaa ZAAD ama Edahab adoo adeegsanya Lamabaradan hoos ku qoran.
E DAHAB Somtel
0654545881
ZAAD Telesom
0634545881
Aan Ramadaanka iyo Ciida ka dhigo kuwo u iftiimaya inta baahan.
جَزَاكَ ٱللَّٰهُ خَيْرًا
السلام ورحمة الله وبركاته
Hamda

