- F
- F
- A

Help Save Guuxaaye's Life Through Urgent Medical Treatment
0% complete
€28,652 raised of €90K
1.5K donations
Asalaamu Calaykum,
Intiinna badan waxaad igu taqaannaan magaca Guuxaaye.
Sanado badan waxaan ku dadaalay inaan idinla wadaago qosol, farxad, iyo madadaalo anigoo sameynaya muuqaallo gaagaaban. Farxadda aad iga heshaan waxay ahayd waxa iigu qiimaha badan.
Waxa dad badan aysan ogeyn ayaa ah inaan muddo sagaal sano ah la noolaa xanuun culus oo si weyn u saameeyay noloshayda. Dhibaatadani waxay bilaabatay ka hor intaanan noqon qof baraha bulshada laga yaqaan.
Inkasta oo aan xanuunsanaa, haddana waan sii waday sameynta muuqaallada, sababtoo ah dhoolla caddayntiinna iyo farxaddiinnu waxay ii ahayd dhiirrigelin iyo rejo aan ku sii noolaado.
8 billood kahor waxaan u safray dibadda (India) si aan u raadsado daaweyn iyo xal. Waxaan la kulmay dhakhaatiir badan, waxaan maray baaritaanno kala duwan, waxaana isku dayay daaweymo badan, anigoo rajeynayay inaan caafimaad helo. Nasiib darro, xaaladdaydu weli way sii socotaa.
Intii safarkan socday waxaan bixiyay wax kasta oo aan haystay. Waxaan isticmaalay kaydkaygii, waxaan amaahday lacag, waxaana gargaar iga soo gaaray qoys iyo asxaab, sababtoo ah marna kama quusan rajada bogsashada.
Maanta waxaan gaaray meel aanan kaligay sii wadi karin halgankan.
Kadib sanado badan oo aan isku dayay dhammaan wixii ii suurto galay, waxaan weli u baahanahay daryeel caafimaad iyo daaweyn dheeraad ah oo ka baxsan awooddayda dhaqaale.
Lacagta laga ururinayo ololahan waxay iga caawin doontaa kharashaadka daaweynta, safarka, hoyga, dawooyinka, iyo dhammaan baahiyaha kale ee muhiimka ah inta aan ku jiro safarkayga bogsashada.
Haddii muuqaalladaydu ay maalin uun ku qosolsiiyeen, ku farxad geliyeen, ama qalbigaaga iftiimiyeen, maanta waxaan si qalbi furan kuugu codsanayaa taageeradaada.
Lacag kasta oo aad bixiso, xitaa haddii ay yar tahay, waxay ii dhoweynaysaa fursad aan ku helo daaweynta aan u baahanahay.
Haddii aadan awoodin inaad wax ku tabarucdo, fadlan la wadaag ololahan qoyskaaga, asxaabtaada, iyo dadka kale.
Qalbiga ayaan idiinka mahadcelinayaa naxariistiinna, ducadiinna, iyo taageeradiinna.
Ilaahay ha idinka abaal mariyo kheyr badan, caafimaad, nabad, iyo barwaaqo ha idin siiyo idinka iyo ehelkiinnaba. Aamiin.
Assalamu Alaikum,
Many of you know me as Guuxaaye.
For years, I've had the privilege of making millions of people laugh through my short videos. Bringing joy, smiles, and positivity to the Somali community has been one of the greatest blessings of my life.
What many people don't know is that, for the past nine years, I have been living with a serious illness that has changed every part of my life. This journey began long before I became a content creator.
Even through the difficult days, I continued making videos because seeing your smiles and knowing I could brighten someone's day gave me the strength to keep going.
Over the past several months, I traveled abroad in search of answers and treatment. I met with specialists, underwent countless medical tests, and tried different treatments, hoping I would finally recover. Despite every effort, my condition remains unresolved.
Throughout this journey, I have spent everything I had. I used my savings, borrowed money, and accepted help from family and friends because I refused to give up hope.
Today, I have reached a point where I cannot continue this fight alone.
After years of exhausting every option available to me, I still need further medical care and treatment that is beyond what I can afford.
This fundraiser will help cover my medical expenses, treatment, travel, accommodation, medications, and other essential costs throughout my recovery.
If my videos have ever made you smile, laugh, or brought a little happiness into your life, I humbly ask for your support today.
Every donation, no matter how small, brings me one step closer to getting the care I need.
If you're unable to donate, sharing this fundraiser with others would mean just as much to me.
Thank you from the bottom of my heart for your kindness, generosity, and prayers.
May Allah reward you for your compassion and bless you and your families with health, happiness, and peace.


